Bah-Wadaagta

Bah-wadaagta Hirgelinta Mashaariicda Tiknoolajiyada

Hadafa Solutions waxay diyaar u tahay inay noqoto Bah-wadaataada shaqo markii aad rabto inaad hirgeliso mashaariicyada/adeegayada tiknoolajiyada.

Hadaf Solutions waxay diyaar kuu la tahay khibrado aad u sareeya taas oo ka caawin karta shirkadaha caalamiga ah inay si fudud uga hirgeliyaan mashaariicda tiknoolajiyadda Soomaaliya gudaheeda iyo gobalka oo dhan, taasna waxay u saamaxaysa shirkadaha caalamiga ah in ay yareeyaan qarashka hirgelinta iyo in ay si degdeg ah ugu hirgeliyaan mashaariicdooda iyadoo Hadaf Solutions ay ku biirinayso asaageeda shaqo khibrado farsamo oo aad u sareeya iyo shaqaale si heer sare loo carbiyay.

Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay kaala shaqayso dhamaan mashaariicda/adeegyada la xiriira tiknoolajiyada iyadoo la raacayo habraacyada ay leeyihiin shirkadaha caalimiga ah si ay u hirgeliyaan mashaariicdooda/adeegyadooda.

KHIBRADEENA

Halkaan ka Arag Waxyaabaha aan Qaban Karno

HADAF SOLUTIONS LLP waa bixiye heersare ah oo bixiya nooca ogolaanshaha, u hogaansanaanta sharciyeynta, iyo adeegyada suuq geynta, xarun ahaan istaraatiijiyad ahaan ku taal Muqdisho, Soomaaliya—Albaabka soo koraya ee dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Afrika. Waxaa la aasaasay 2021 iyada oo lagu jiro dib u soo noolaynta waaxda isgaarsiinta ee Soomaaliya, waxaan si degdeg ah isu meel dhignay sidii lammaane la aamini karo ee soo saarayaasha caalamiga ah ee isgaarsiinta, ICT, iyo FinTech. Shatiga Heerka B ee NCA waxa uu awood noo siinayaa in aanu bixino xalal dhamaadka-ilaa-dhamaadka ah, laga bilaabo dib u eegista horudhaca soo gudbinta ilaa ansixinta ka dib maaraynta meertada nolosha, hubinta gelitaanka aan kala go’a lahayn ee suuqyada kobaca sare.

Ma u baanahtahay shirkad la hubo oo lagu kalsoonaan karo markii aad hirgelinayso ama aad dayactirayso Kaydkaaga Xog Dhigga oo ku siin karo talooyin dhaxal gal ah si aad ugu hormariso howlgalada shirkadaada kuna kasbato macaamiil cusub. Hadii ay jawaabtaadu haa tahay, Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu ah in ay kuu dhisto kaydkaaga Xog Dhigga iyo kaabayaasha shabakadaada.

Ma u baahantahay inaad barnaamijkaaga Bangiga ku dabaqdo baahiyadaada gaanacsi, hadii ay jawaabtaadu haa tahay Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu ah in ay ay kaala taliso sida aad ugu dhaqan gelin lahayd baahiyadaada ganacsi barnaamijkaaga Bangiga (Core Banking System).

Maka walwlasantahay amniga, isku halaynta iyo sax ahaanshadaada Xog Dhiggaaga? Maka walwlasantahay in ay kaydkaaga Xog Dhigga sii jiri doono maalinta xigta ee aad soo toosto? Maka walwal si jiritaanka iyo mustaqbalka ganacsigaada, hadaba ka walwal la’ow, Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay ku caawiso oo ku hagto kuuna dejiso habraacyada nidaam Xog Dhig oo la isku halayn karo si aad u noqoto tusaale ganacsi oo isku kalsoon.

Ma dareemaysaa in barnaamijayada aad hada isticmaashid uusan ku filnayn ama munaasab uusan ku ahayn inuu dabaalo baahiyadaada ganacsi, Hadaba Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kuu samayso barnaamij munaasab kugu ah si aad u daboosho baahiyadaada ganacsi oo dhan, ama kuu hormariso barnaamijka aad hada isticmaasho oo ay kaaga dhigto mid ku filan ama daboola baahiyadaada ganacsi.

Ma tahay shirkad caalami ah oo doonaysa in ay Soomaaliya iyo gabalkaba ka dhaqan geliso/kusoo kordhiso mashruuc ama adeeg cusub, Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu la ah in ay kugu biiriso khibrad farsamo oo aad u saraysa kuu na dhaqan geliso mashruucaaga ama adeegaaga taas oo kuu saamaxayso, aad na hoos ugu dhigaysa qarashaadka dhaqan gelinta mashruucaaga iyadoo lagu dhaqan gelinayo habraacyada ugu amaanka badan ugu na fudud.

Ma ku haystaan caqabado la xiriira ganascisgaada? Ma u baaahantahy shirkad kugu caawiso inaad u bedesho fikradahaaga ganacsi dhab ah? Ma u baahantahay in shaqaalahaaga qiimaha badan in tababar iyo khibrad kordhin loo sameeyo? Hadaba Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kaa shaafiso waydiimahaas oo dhan kuguna caawiso khibradaheeda farsamo iyo ganacsi, sidaas daraadeed ha u daymo la’aan inaad nala soo xiriirto.