Ganacsiyada

Hadaf Solutions waxay khibradeeda iyo aqoonteeda la xiriirta adeegyada tiknoolajiyada ka caawin kartaa qaybo badan oo ganacsiyada kala duwan ah si ay u kobciyaan ganacsiyadooda.

Shirkadaha ka Shaqeeya Arimaha Maaliyadda (Financial Sector)

Hadaf Solutions waxay u diyaarisay macaamiisheeda qiimaha badan nidaamyo maaliyadeed oo dhammaystiran taas oo u fududaynaysa hawlgalladooda maaliyadeed.

Shirkadaha ka Shaqeeya Maalgelinta (Investment)

Hadaa tahay maalgashte doonayo inuu la socdo dhaqaaqyada ganacsiyada kala duwan ee aad maal gashatay Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kaa caawiso arimahaas oo dhan oo na kuu diyaariso nidaamyo aad kula socon karto howlahaaga oo dhan. Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kaa caawiso arimahaas oo dhan oo na kuu diyaariso nidaamyo aad kula socon karto howlahaaga oo dhan.

Shirkadaha ka Shaqeeya Warshadaynta (Manufacturing)

Hadii aad tahay warshad doonaysa in ay balaariso howlgaladeeda, Hadaf Solutions waxay kuu haysaa adeegyo iyo barnaamijyo aad u adeegsan karto hormurumarinta iyo balaarinta habraacyada iyo yareenta qarashaadka howlgalada.

Shirkadaha ka Shaqeeya Arimaha Caafimaadka (Healthcare)

Hadaf Solutions waxay diyaar kuula tahay barnaamijyo aad ku hormarin karto udeegidda bukaanada isbitaalkaada ama adeega caafimaad ee aad bixiso iyo in la hormarinayo qaababka ay isku diwaan gelinayaan bukaanadu oo ay na kula socon karaan faahfaahinta baarintaandooda iyo qaababka ay lacagaha ku bixin karaan.

Shirkadaha ka Shaqeeya Waxbarashada (Education)

Hadaf Solutions waxay barnaamijyo loogu tala galay ardayda oo siinaya fursado badan oo ay wax ku baran karaan, ku xalin karaan waajibaadka loo soo diro, ay na kula xiriiri karaan ardayda kale oo ay isku fasalka dhigtaan iskuna waydaarsan karaan aqoonta iyo waydiimaha kale sidoo kale ay macalinkoodana suaalo ku waydiin karaan uguna gudbin karaan xalalka waajibaadyada loo soo diro.

Shirkadaha ka Shaqeeya Dawooyinka (Pharmaceutical)

Hadaf Solutions waxay diyaar kuula tahay barnaamijyo aad ku hormarin karto u adeega macaamiisha Farmashigaada kuna maamuli karto xogta la xiriirta dawooyinka iyo adeegyada kale oo aad bixiso.

Shirkadaha ka Shaqeeya Caymiska (Insurance)

Hadaf Solutions waxay diyaar ula tahay macaashooda ka shaqaysa Caymiska (Takaafulka) nidaamyo ay ku hormarin karaan habsami u socodka shaqooyinkooda, amaanka xogtooda, u hogaansamidda shuruucda dalka, iyo horumarinta xiriirka kala dhexeeya macaamiishooda.

Shirkadaha ka Shaqeeya Sharciga / Notaayooyinka (Legal)

Hadaf Solutions waxay diyaar kuula tahay barnaajimyo loogu tala galay shirkadaha sharciga ka shaqeeya oo ay ku hormarin karaan habsami usocda shaqooyinkooda.

Adeegyada la Xiriira Dowlada (Government)

Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay in ay u diyaariso dowladda barnaamijyo/adeegyo loogu tala galay in lagu maamulo xogaha kala duwan ee muhiimka u ah wasaaradaha, iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hormumariyo wadashaqaynta hay’adahaas iyo fududeenta u adeegida shacabka qaybihiisa kala duwan.

Shirkadaha ka Shaqeeya Soo Dhawaynta/Martigelinta (Hospitality)

Hadii aad tahay shirkad ka shaqaysa soo dhawaynta/Martigelinta iyo howlaha la xiriira, Hadaf Solutions waxaa ka heli kartaa barnaamijyo/adeegyo loogu tala galay maamulida arimaha la xiriira soo Dhawaynta/Martigelinta, boos celinta iyo arimaha kala duwan ee la xirira marti gelinta.

Shirkadaha ka Shaqeeya Cunooyinka (Food Industries)

Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay in maacaamiisheeda ka caawiso barnaamijyada la xiriira Cunooyinka maarayntooda sida in la xaqiijiyo quality cunoonyinka ay keenaan iyadoo loo samaynayo barnaamiyo leh adeegyo dheeraad ah oo ay ku caddahay xiliga lasoo saaray iyo xiliga ay dhacayaan iyo inta tiro ahaan ugu jirta bakhaaraada si loo ilaaliyo in dalabka kala go’ ku imaanin.

Shirkadaha ka Shaqeeya Dhismaha (Construction)

Hadaf Solutions diyaar u tahay in ka haqabtirto macaamiisheeda qaaliga ah barnaamijyada Dhismaha iyo howlaha la xiriira. Barnaamijyadaan waxay u ogolaanayaan sharkdahan in ay si sahlan u maamulaan mashaariicda (Project Management) kala duwan ee la xiriira dhismaha bilow ilaa dhamaad.

Adeegyadeena Farsamo

Hadaf Solutions waxay diyaar kuu la tahay Farsamooyin/Khibrado kala duwan si aan uga qayb noqono kobaca ganancsigaaga iyadoo laguu soo bandhigayo barnaamijyo iyo adeegyo kala duwan oo wax ku ool ah, munaasab na ku ah ganacsigaaga dhanka dhimista qarashaadka dhaqan gelinta iyo sare u qaadida wax tarka iyo hufnaanta howlgalada ganacsigaaga.