Xiriirkeena

Naga Codso Qiimayn ama Nasoo Wac si Aad u Ogaado Adeegyadeena oo Kaliya

Na soo wac, wakiilada macaamiishaya ayaa diyaar kuu ah si ay kuugu sharaxaan adeegyadeena.
Khadka Tooska ah

+252-613379211

Nala soo Xiriir

Grand Plaza Tower Qolka 216, Isgoyska Taleex, Wadada Makkah Almukaramah, Degmada Hodan, Muqdisho, Soomaaliya.

info@hadaftechsolutions.com +252-613379211

NA WAYDII SU’AAL!

Su’aalaha Inta Badan Nala Waydiiyo

Shirkadda Hadaf Solutions waxay xafiis ku leedahay magaalada Muqdisho. Cinwaanka Shirkadda laga heli karo waa kan hoos ku qoran:

Cinwaanka: Grand Plaza Tower Qolka 216, Isgoyska Taleex, Wadada Makkah Almukaramah, Degmada Hodan, Muqdisho, Soomaaliya.

Hadaf Solutions waxay bixisaa adeegyo kala duwan ay ka mid yihiin:

  • Kala talinta & Dhigista Shabakadaha & Aminigooda (Network & Security Support).
  • Kala talinta mamulida iyo maaraynta Xog dhigyada Shirkadaha (Database Administrations Support).
  • Kala talinta barnaamijayda ay isticmaalaan Bangiyada (Core Banking Administration Support).
  • Samaynta iyo Horumarinta Barnaamijyada (Software Development).
  • La talinta iyo Tababarada (Consulting & Training).
  • Wehelkaaga Hirgelinta ee Mashaariicda Tiknoolajiyadda (Implementing Partner for Technology Solutions).

Bangiyada waa meelaha ugu muhiimsan ee ay Hadaf Solutions xooga saarto waxaana ka mid ah adeegayada aan siin karno:

  • Dhisida & Kala talinta Shabakadaha iyo Aminooga (Network & Security), Dhisida Kaydadka Xogta (Data Centers), Maaraynta iyo Dayactirka Xog dhigyada.
  • Maaraynta iyo Maamulida Xog dhigyada, Nuqul bandinta (DR Servers) xog dhiyada iyo maamulidooda, Tababarada la xiriira xog dhigyada & maarayntooda.
  • Kala talinta baraamijyada Bangiyada (Core Banking) isticmaalaan si ay ugu dabaqi lahaayeen ganacsigooda iyo kala shaqaynta isku xiridda nimaadyada Bangiyada iyo adeegya kale (Third Party Integrations).
  • Samaynta iyo Horumarinta Barnaamijyada kala duwan.
  • Tababaro kala duwan oo si gaar ah loogu jimeeyay baahiyada ganacsi macaamisha.

Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay noqoto Bah-wadaataada shaqo markii aad rabto inaad hirgeliso adeegayada tiknoolajiyada. Hadaf Solutions waxay diyaar kuu la tahay khibrado aad u sareeya taas oo ka caawin karta shirkadaha caalamiga ah inay sid fudud ugu hirgeliyaan mashaariicda tiknoolajiyada Soomaaliya gudaheeda iyo gobalka oo dhan, taasna waxay u saamaxaysa shirkadaha caalamiga ah inay yareeyaan qarashaadka hirgelinta iyo in ay si degdeg ah ugu hirgeliyaan mashaariicdooda iyadoo Hadaf Solutions ay ku biirinayso asaageeda shaqo khibrad farsamo oo aad u saraysa iyo shaqaale si heer sare loo carbiyay.

Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay kaa la shaqayso dhamaan mashaariicda la xiriira tiknoolajiyada iyadoo la raacayo habraacyada ay leeyihiin shirkadaha caalamiga ah si ay u hirgeliyaan mashaariicdooda/adeegyadooda.

Haa, Hadaf Solutions waxay awood u leedahay inay dhisto kaydadka Xog Dhigyada (Data Centers) iyadoo la adeegsanayo qalabyadi iyo hal beegyadi ugu dambeeyay aduunka. Hadaf Solutions waxaa kale oo ay samaysaa la talinta ku saabsan dhisida, dayactirka iyo maamulida kaydadka Xog Dhigyada iyo hal beegyada loo adeegsado.

Haa, Hadaf Solutions waxay awood u leedahay in ay dhisto xaruma cusub oo loogu tala galay nuqol badinta kaydadka Xog Dhigyada, sidoo kale waxay awood u leedahay maamulida iyo maaraynta xarumaas.

Hadaf Solutions waxay awood inay bixiso adeegyo badan oo la xiriira Xog Dhigyada sida:

  • Kaydinta Asalka iyo Asal ku Celinta Xog Dhigga (Database Backup and Restore)
  • Kor meeridda Xog Dhigga (Database Monitoring)
  • Dayactirka iyo kor joogtaynta Xog Dhigga (Database Maintenance and Tuning)
  • Dhisida iyo Maamulida Nidaamka kasoo kabsashada musiibooyinka Xog Dhigga (Database Disaster Recovery (DR) setup and Management)
  • U raridda Xog Dhigyada Adeege (Server) ama Goob Cusub (Database Migration to new server or location).
  • Samaynta Siyaasadaha iyo Habraacyada Xog Dhigyada (Database Administration policies and procedures).
  • Tababaro kala duwan oo tayo leh oo la xiriira Xog Dhigyada. (Database Administration Trainings).

Hadaf Solutions waxay bixisaa Tababaro kala duwan waxaana ka mid ah:

  • Tababarada Shabakadaha iyo Amnigooda (Networking and Security)
  • Tababarada Xog Dhigyada (Database Administration)
  • Tababarada Nidaamyada Bangiyada (Core Banking Administration)
  • iyo tababaro kale oo fara badan.

Hadaf Solutions waxay macaamiisheeda siisa la talin la xiriirta adeegyada/Barnaamijyada ay Bangiyada isticmaalaan. Adeeyadaas waxaa ka mida ah:

Hadaf Solutions waxay ka caawin kartaa macaamiisheeda marka la habaynta/hagaajinta nidaamka bangiyada sida:

  • Dejinta Halbeegyada iyo Asaaska Nidaamka Xisaabaadka
  • Xisaabinta Nidaamyada Dayn qaadashada iyo Fa’iido Qaybsiga Bangiga.
  • Dejinta Nidaamka Branchiyada ee Bangiga (Dejinta Tilmaamaha Awaamirta joogtada ah, Biil Bixinta iyo Mushaar Bixinta Shirkadaha).
  • Dejinta ninaadka Dayn Qaadashada ee Bankiga (Islamic Financing products, Micro-finance, Trade Finance).
  • Dejinta Nidaamka Lacag dirista Caalamiga ah (inward & outward transfers using SWIFT, Letter of Credit (LC), Letter of Guarantee (LG)).
  • Dejinta Xisaab Xika ee Bangiga (Maalinle, Bille, Sanadle).
  • Habaynta iyo maamulka xakamaynta gelitaanka nidaamka Bangiga

Hadaf Solutions waxay siisaa macaamiisheeda adeegyo la talin ee heer sare ah oo la xiriira qaybaha kala duwan ee Tiknoolajiyada Maaliyadeed (Fintech) iyadoo ku talinaysa, qaabaynaysa una horumarinaysa xalal ku habboon oo dabooli kara baahiyahooda ganacsi.

Hadaf Solutions waxay bixinsaa tababaro badan oo kala duwan waxayna awood u leedahay inay kuu samayso tababaro kuu khaas ah oo ka turjumayo baahiyada shirkadaada iyo shaqaalahaagaba.