Adeegyada

ADEEGYADEENA

Adeegyada Gogol Xaadhka

Sahanka Goobta: Hadaf Solutions wuxuu baaraya/kormeeraya goobtaada ganacsi Siduu xog ururin ugu sameeyo warbixino kala duwan sida warbixinta suuragalnimada, qiyaasidda kharashka iyo waqtiga looga baahan yahay in lagu qabato shaqada iyadoo loo samaynayo hab hufan oo xirfad leh.

Sahminta Baahiyada: Hadaf Solutions wuxuu qeexaya/go’aaminaya baahiyaha iyo filashooyinka adeegga aad u baahantahay hadii ay tahay aasaasidda ama wax ka beddelidda meheraddaada.

Ka Tala Bixinta Xalka ugu Haboon: Hadaf Solutions wuxuu ka caawiyaa macaamiisha qiimaha leh inay aqoonsadaan xalalka ugu wanaagsan ee la heli karo oo ku habboon lana jaanqaadi kara baahiyadooda ganacsi laga bilaabo Soo -saaridda, ka soo kabashada Masiibooyinka, Tababbarka, Horumarka iyo Tijaabada xalalka ugu haboon.

Qorshaha Fulinta/Naqshadaynta: Hadaf Solutions ayaa fududeeya/bixiya qorshe istaraatiiji ah si aad u fuliso/horumariso mashruucaaga ganacsi iyakoo qeexaya jadwalka, dadka fulinaayo iyo agabyada loo baahan doono si ganacsigaagu u noqdo mid horumar/guul gaara.

ADEEGYADEENA

Adeegyada Hirgelinta

Rakibidda / Ku shubidda: Hadaf Solutions waxay diyaar kuu la tahay rakibidda qalabka iyo ku shubidda barnaamijyada kala duwan ee Shirkadaada u baahantahay sidaa ugu adeegsan karto ganacsigaaga ama adeegyada aad bixiso.

Qaabaynta (Configuration): Hadaf Solutions waxay samaysaa qaabaynta Barnaamijada iyo Qalabyada kala duwan iyadoo u fulinayso qaab xirfadi ku dheehan tahay.

Sare u Qaadida adeegyada: Hadaf Solutions wuxuu hagaajiyaa / Sare u qaadaa shaqada aaladahaaga /nidaamyadaada oo uu kaga dhigaa kuwa si hufan u shaqaya ama adeegsada ilaha dhaqaale ee ugu yar.

Tijaabinta: Hadaf Solutions waxay dammaanad qaadeysaa inay ka siiso kiisas tijaabo ah dhammaan xalalka ay u soo bandhigto macaamiisheeda qiimaha leh. Waxaan diyaar u nahay inaan ka qaybgalno dhammaan marxaladaha tijaaboyinka kala duwa oo ay ku jiraan tijaabada isku xirka, tijaabada Aqbalida Isticmaalayaasha (UAT), Raridda xogta iyo tijaabinteeda, tijaabada Waxqabadka iyo ka hortaga soo gelida sharici darada ah iyo tijaabooyinka ka soo kabashada Musiibooyinka.

Rarida Xogaha: Hadaf Solutions waxay si taxaddar leh u qorshaynaysaa inay u rarto Macluumaadkaaga, Kaydkaaga, nimaadyadaada iyo habraacyada ganacsigaaga kahor iyo ka dib fulinta qorshada raridda.

Buugga Isticmaalka Adeega: Hadaf Solutions wuxuu ku siiyaa macluumaad ku qoran luqad farsamo oo sharraxaysa adeegsiga, shaqaynta ama qaab dhismeedka qalabayada, barnaamijyada iyo adeegyada kala duwan oo ay bixiso shirkadda looguna talagalay adeegsiga Macaamiisheeda.

Wareejinta Aqoonta: Hadaf Solutions waxay la wadaagaan/ku wareejiyaan shaqaalaha shirkadaha macaamiisha u ah aqoonta, xirfadaha iyo qaab dhismeedka nidaamyada/adeegyada ay u hirgeliyaan.

ADEEGYADEENA

Adeegyada Hirgelinta Ka Dambeeya

Joogtaynta Hagaajinta iyo Hormarinta Nidaamyada: Hadaf Solutions wuxuu si fiican u hagaajiyaa una hormariyaa nidaamyada/adeegyada macaamiisha si ay u gaaraan heerka waxqabad ee ugu sareeya.

Ka Hortagga Qorshaysan: Hadaf Solutions waxay yareeyaan kala go’yada aan qorshaysnayn, ciladaha farsamo ee qalabyada/nidaamyada ku yimaada iyo khataraha la xidhiidha howlgelinta qalabyada/nidaamyada iyagoo soo bandhigaya qorshayaal, siyaasado iyo habraacyo firfircoon oo meesha ka saaraya ama yaraynaya kala go’yada ku imaan karo howlgalada shirkadaha.

Taageerida/Dayactirka ku Salaysan Baahida: Hadaf Solutions waxay hubisaa in nidaamyada/adeegyadaada ay noqdaan kuwa la isku haleyn karo oona la heli karo xilli walba lana jaanqaada baahiyaha ganacsi ee hadda jira. Hadaf Solutions waxay soo bandhigtaa/leedahay xirmooyin taageero ah oo la awoodi karo.

Adeegyada Gaarka ah ee Maaraynta Goobaha/Nidaamyada Ganacsi: Hadaf Solutions waxay hagaajisaa/horumarisaa hawlgallada iyo adeegyada shirkadaha iyagoo dhimaya kharashaadaka lana imaanaya qorashayaal wax ku ool ah una gaar ah macaamiishooda oo loogu maaraynayo howlgallada shirkadahooda isla goobtooda shaqo ama goob kale oo ka fog xaruntooda ganacsi.

ADEEGYADEENA

Adeegyada La talinta

Hadaf Solutions waxay diyaar ula tahay macaamiisheeda adeegyo la talin oo kala duwan. Adeeyadaas waxaa ka mida ah:

Shabakadaha & Amnigooda

  • Diyaarinta Xarumaha Kaydka Xogaha (Data Centers) iyo tilmaamaha adeegsiga xarumahaas.
  • Abuuritaanka/Dejinta kaabayaasha shabakad & aminigeeda (Network & Security) oo lagu kalsoonaan karo.
  • Dejinta/Diyaarinta xalalka lagula socon karo amniga iyo habsami u socodka shaqada Xarumaha Kaydka Xogaha.
  • Dhisidda soo kabashada musiibada ee waxtarka leh iyo sii wadida ganacsiga
    (DR&BC) goobta


Maamulida Nidaamyada Xog Dhigyada Shirkadaha

  • Dejinta Nidaamyada Kaydinta xogaha iyo kasoo kabsashada ciladaha Xog Dhigga (Database) ee shirkadaha.
  • Dejinta habraaca korjoogtaynta iyo dayactirka nidaamyada Xog Dhigga shirkadaha.
  •  Dejinta qorshayaasha kasoo kabsashada Musiibooyinka Xog Dhigga shirkadaha.
  • Dejinta nidaamyada guuritaanka/rarida Xog Dhigyada Shirkadaha.


Maamulida Nidaamyada Bangiyada

  • Hormarinta nidaamyada maaliyadeed ee Bangiyada
  • Kala talinta nidaamyada Online iyo Mobile Banking-ka
  • Kala talinta nimaadyada lacag la bixidda ee ATM/Card System-yada.
  • Kala talinta nidaamyada lacag diriista caalamiga ah ee SWIFT-ga.


Nooca Oggolaanshaha iyo Fududeeyaha U Hogaansanaanta Xeerarka
Waxaan u dhaqannaa sidii dhexdhexaadiye la aamini karo oo u dhexeeya warshadeeyayaasha iyo NCA, anagoo hubinayna:

  • Diiwaangelinta aan kala go ‘lahayn ee isgaarsiinta iyo qalabka teerminalka
  • U hoggaansanaanta nidaamsan ee heerarka NCA
  • Wakhtiga iyo hufnaanta kharashka adiga oo la tacaalaya hababka maxaliga ah iyada oo ka wakiil ah soosaarayaasha


Hadaf Solutions waxay sidoo kale siisaa macaamiisheeda adeegyo la talin ah oo la xiriirta Tiknoolajiyada Maaliyadeed (Fintech) iyadoo ku talinaysa, qaabaynaysa oo na horumarinaysa xalal ku habboon oo daboola baahiyadooda ganacsi.

NALA SOO HADAL

Ma Haysaa Mashruuc Fulin u Baahan?

Hadaba Hadaf Solutions ayaa si amaano iyo hufnaan ku dheehantahay diyaar u ah in ay kuu qiimayso mashruucaaga iyo agabyada ow u baahanyahay, jawaab waafi ah na kaa siinaysa qaabka ugu munaasabsan ee fikirkaaga loogu bedeli karo mashruuc ama ganacsi dhab ah, iyo waxyaabo kale oo badan. Mar walba nala soo xiriir!