Adeegyada

Shabakadaha & Amnigooda
  • Diyaarinta Xarumaha Kaydka Xogaha (Data Centers) iyo tilmaamaha adeegsiga xarumahaas.
  • Abuuritaanka/Dejinta kaabayaasha shabakad & aminigeeda (Network & Security) oo lagu kalsoonaan karo.
  • Dejinta/Diyaarinta xalalka lagula socon karo amniga iyo habsami u socodka shaqada Xarumaha Kaydka Xogaha.
  •  Dhisida goobo/Xarumo Kayd Xog oo leh tilmaamaha kasoo kabsashada masiibooyinka iyo sii wadida habsami u socodka shaqada shirkadaha.
Adeegyada
Maamulida Nidaamyada Xog Dhigyada Shirkadaha.
  • Dejinta Nidaamyada Kaydinta xogaha iyo kasoo kabsashada ciladaha Xog Dhigga (Database) ee shirkadaha.
  • Dejinta habraaca korjoogtaynta iyo dayactirka nidaamyada Xog Dhigga shirkadaha.
  •  Dejinta qorshayaasha kasoo kabsashada Musiibooyinka Xog Dhigga shirkadaha.
  • Dejinta nidaamyada guuritaanka/rarida Xog Dhigyada Shirkadaha.
Adeegyada
Maamulida Nidaamyada Bangiyada
  • Hormarinta nidaamyada maaliyadeed ee Bangiyada
  • Kala talinta nidaamyada Online iyo Mobile Banking-ka
  • Kala talinta nimaadyada lacag la bixidda ee ATM/Card System-yada.
  • Kala talinta nidaamyada lacag diriista caalamiga ah ee SWIFT-ga.
Adeegyada
Samaynta iyo Horumarinta Barnaamijyada (Software Development).
  • Barnaamijyada lagu maamulo shirkadaha waa wayn (ERP Systems)
  • Barnaamijyada Xiriirka Macaamiisha (CRM system)
  • Barnaamijyada lagu maamulo Mushaar bixita shaqaalaha Shirkadaha (Payroll system)
Adeegyada
La talinta iyo Tababarada (Consulting & Training).
  • Shabakadaha & Amnigooda
  • Maamulida Nidaamyada Xog Dhigyada Shirkadaha
  • Kala talinta Barnaamijada Bangiyada loo isticmaalo (Core Banking)
  • Tabarada sare u qaadida arimaha la xiriira tiknoolajiyada.
Adeegyada
Bah-Wadaagta Shaqo
  • Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay kala shaqayso shirkadaha caalamiga ah dhamaan mashaariicda la xiriira tiknoolajiyada iyadoo la raacayo habraacyada ay leeyihiin shirkadahaas si ay u hirgeliyaan adeegyadooda.
Adeegyada
Hogaamiyaha Caalamiga ah ee Nooca Oggolaanshaha iyo U Hogaansanaanta Nidaaminta
Doorkeenu waa inaan u dhaqanno sidii dhexdhexaadiye la aamini karo oo u dhexeeya warshadeeyayaasha iyo NCA, anagoo hubinayna:
  • Diiwaangelinta aan kala go'a lahayn ee isgaarsiinta iyo qalabka terminalka.
  • U hoggaansanaanta nidaamsan ee heerarka NCA.
  • Wakhtiga iyo hufnaanta kharashka adiga oo la tacaalaya hababka maxaliga ah iyaga oo ka wakiil ah soosaarayaasha.
Adeegyada
XAL CURIYAYAAL

Dooro Shirkad Kaa Caawin Karta in aad Kobciso Ganacsigaaga

Injineero Khubaro ah ayaa diyaar ku ah Hadaf Solutions si kuu siyaan la talin hufan oo xaqiiqada ku salaysan sida aad xal ugu heli lahayd mushkiladahaaga ganacsi iyagoo ku soo bandhigaya natiijooyin wax ku ool ah iyo adeegyo xirfadaysan.

KHIBRADEENA

Halkaan ka Arag Waxyaabaha aan Qaban Karno

HADAF SOLUTIONS LLP waa bixiye heersare ah oo bixiya nooca ogolaanshaha, u hogaansanaanta sharciyeynta, iyo adeegyada suuq geynta, xarun ahaan istaraatiijiyad ahaan ku taal Muqdisho, Soomaaliya—Albaabka soo koraya ee dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Afrika. Waxaa la aasaasay 2021 iyada oo lagu jiro dib u soo noolaynta waaxda isgaarsiinta ee Soomaaliya, waxaan si degdeg ah isu meel dhignay sidii lammaane la aamini karo ee soo saarayaasha caalamiga ah ee isgaarsiinta, ICT, iyo FinTech. Shatiga Heerka B ee NCA waxa uu awood noo siinayaa in aanu bixino xalal dhamaadka-ilaa-dhamaadka ah, laga bilaabo dib u eegista horudhaca soo gudbinta ilaa ansixinta ka dib maaraynta meertada nolosha, hubinta gelitaanka aan kala go’a lahayn ee suuqyada kobaca sare.

Ma u baanahtahay shirkad la hubo oo lagu kalsoonaan karo markii aad hirgelinayso ama aad dayactirayso Kaydkaaga Xog Dhigga oo ku siin karo talooyin dhaxal gal ah si aad ugu hormariso howlgalada shirkadaada kuna kasbato macaamiil cusub. Hadii ay jawaabtaadu haa tahay, Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu ah in ay kuu dhisto kaydkaaga Xog Dhigga iyo kaabayaasha shabakadaada.

Ma u baahantahay inaad barnaamijkaaga Bangiga ku dabaqdo baahiyadaada gaanacsi, hadii ay jawaabtaadu haa tahay Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu ah in ay ay kaala taliso sida aad ugu dhaqan gelin lahayd baahiyadaada ganacsi barnaamijkaaga Bangiga (Core Banking System).

Maka walwlasantahay amniga, isku halaynta iyo sax ahaanshadaada Xog Dhiggaaga? Maka walwlasantahay in ay kaydkaaga Xog Dhigga sii jiri doono maalinta xigta ee aad soo toosto? Maka walwal si jiritaanka iyo mustaqbalka ganacsigaada? hadaba ka walwal la’ow, Hadaf Solutions waxay diyaar u tahay inay ku caawiso oo ku hagto kuuna dejiso habraacyada nidaam Xog Dhig oo la isku halayn karo si aad u noqoto tusaale ganacsi oo isku kalsoon.

Ma dareemaysaa in barnaamijayada aad hada isticmaashid uusan ku filnayn ama munaasab uusan ku ahayn inuu dabaalo baahiyadaada ganacsi? Hadaba Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kuu samayso barnaamij munaasab kugu ah si aad u daboosho baahiyadaada ganacsi oo dhan, ama kuu hormariso barnaamijka aad hada isticmaasho oo ay kaaga dhigto mid ku filan ama daboola baahiyadaada ganacsi.

Ma tahay shirkad caalami ah oo doonaysa in ay Soomaaliya iyo gabalkaba ka dhaqan geliso/kusoo kordhiso mashruuc ama adeeg cusub? Hadaf Solutions ayaa diyaar kuu la ah in ay kugu biiriso khibrad farsamo oo aad u saraysa kuu na dhaqan geliso mashruucaaga ama adeegaaga taas oo kuu saamaxayso, aad na hoos ugu dhigaysa qarashaadka dhaqan gelinta mashruucaaga iyadoo lagu dhaqan gelinayo habraacyada ugu amaanka badan ugu na fudud.

Ma ku haystaan caqabado la xiriira ganascisgaada? Ma u baaahantahy shirkad kugu caawiso inaad u bedesho fikradahaaga ganacsi dhab ah? Ma u baahantahay in shaqaalahaaga qiimaha badan in tababar iyo khibrad kordhin loo sameeyo? Hadaba Hadaf Solutions ayaa diyaar u ah in ay kaa shaafiso waydiimahaas oo dhan kuguna caawiso khibradaheeda farsamo iyo ganacsi, sidaas daraadeed ha u daymo la’aan inaad nala soo xiriirto.

HABKEENA

SIDA AAN SHAQADA U QABANO

01.
Nala so Xiriir
HEL QIIMAYN
02.
FULINTA
03.
NAGA GUDOON
04.
DHAQANKEENA

Waxaan Dhiseynaa Dhaqamo Shaqo oo Loo Dhan Yahay

Tiknoolajiyada
Xal Curinta
Naqshadeenta
Xiriirinta
Isku Xirka
Wada Shaqaynta
Farshaxanka
Dhismaha Mashaariicda
Fulinta
NALA SOO HADAL

Ma Haysaa Mashruuc Fulin u Baahan?

Hadaba Hadaf Solutions ayaa si amaano iyo hufnaan ku dheehantahay diyaar u ah in ay kuu qiimayso mashruucaaga iyo agabyada ow u baahanyahay, jawaab waafi ah na kaa siinaysa qaabka ugu munaasabsan ee fikirkaaga loogu bedeli karo mashruuc ama ganacsi dhab ah, iyo waxyaabo kale oo badan. Mar walba nala soo xiriir!